Muqdisho(AN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kaga qeyb galay Munaasabada Maalinta caalamiga ee Haweenka, iyadoo munaasabadan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka .
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasibadaasi ka ka hadlay ayaa ka warbixinayay sida ay horumarka u sameeyeen haweenka Somaliyeed.“Waxaan halkan ka qirayaa xushmad balaadhanna u hayaa doorka haweenka Soomaaliyeed ha noqdeen kuwii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba, Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee la soo dhaafey ee colaaddu dalkeena ka jirtey, Iyaga oo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo, Maanta haweenku waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaanu intaasi ku daray “Caalamka ma jiro dal qudha oo si dimoqraadi ah horumar ku gaadhay ,iyadoo aanay haweenku kaalin buuxda ka qaadan qaybaha kala duwan ee adeegyada qaranka. Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saaro caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka.”Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Waxaanu intaasi ku daray“Hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaas oo ay tahay inaan si wadajir ah uga shaqayno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
Arabsiyonews.com
Hargeisa Desk








