“Ninka Dambiilaha Ahi Ehel Ma Leh, Wasiir Difaaca Ma Leh”Warancade

0

Hargaysa(AN)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland,Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in la hirgaliyay go’aankii wasaarada arimaha gudaha iyo madaxdhaqameedku hore iskula qaateen ee ahaa inaan ciddii ciidamada booliska gacantooda ku baxda aan mag la iska waydiin,dhawaana dhawr dhacdo lagu fuliyey.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen labada wasiir ku xigeen ee dhawaan Madaxwayne Axmed-siilanyo magacaabay.“Haddaynu nahay madaxdhaqameed iyo haween, haddaynu nahay dhalinyaro iyo waayeel iyo Dawlad iyo Shacab Nabad galyadu waa waxa dadaalka ugu badan la galiyay ee aynu dhamaanteen hareeraha ka taagannahay. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Cuqaasha iyo Salaadiinta oo runtii si toos ah noogala shaqeeya nabad galyada. Waxa kale oo aan jeclahay inaan uga mahadceliyo madax iyo mijaba siday bulshada Somaliland ugu heelan yihiin nabad galyada dalkooda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade.

Wasiir warancade oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda waxaa ka go’an kadib markay madaxda bulshada la tashatay inay Nabad galyadu tahay wax lagu faro adaygo. Waxaa aanu go’aaminay, in darajo kasta oo uu leeyahay cidkasta oo nabad galyada ka hor timaada ama khalkhal amniga galinaysa inaanu gacan bir ah wax kaga qabanno. Waxa kale oo aanu go’aaminay in Ciidamada amaanka iyagoo fulinaya nabad galyada iyo xassiloonida cid kasta oo hub kala hor yimaada wixii khasaare naf iyo maalba soo gaadha qofkaasi masuul ka yahay, wax Masuuliyad ah oo qaranka ka saarana aanay jirin”Cali Waranacade.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in shaqaaqooyin dhawr ah ay dalka ka dheceen intii lagu heshiiyay arimahan “Shaqaaqooyin dhawr ahi way dhaceen intii aanu arrintaas ku adkaysanay ama Bulshada kala tashanay, dhawr arrimood baa dhacay sideediibaanay u fuleen waanan uga mahadcelinayaa Cuqaashu sidii ay noola qaateen” Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Warancade.

Waxaanu intaasi ku daray “Qofku hadduu Ogaado inaan lagu gargaarayn xaq darrada, Cidna aanu u lahayn, Qabiilna aanu u lahayn gardarada iyo fidmada, qofku wuu xisaabtamayaa, laakiin, qofku markuu ogyahay in hadduu wax sameeyo Tol xun u yeelanayo, oo caaqil xun u yeelanayo, inuu Suldaan xun u yeelanayo, inuu Wasiir xun u yeelanayo markuu Ogyahay naftiisu waxay u sheegaysaa inuu ku socdo khaladaadka iyo waxyaabaha dalkan halis galin karaya.”Cali Waran Cade

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Sidaas darteed, maanta waxaan leeyahay Ninka dambiilaha ahi ehel ma leh, Wasiir difaaca ma leh, Suldaan difaaca ma leh, Caaqil yidhaahda anaa u oday ah ma leh, Dhamaantayo gees baanu ka soo wada jeednaa, markaa waxaanu leenahay naftaada ilaali dambiilow” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasaarada daakhiliga iyo odayaasha madax dhaqameedka dalka ayaa waxa ay hore u kala saxeexdeen in ciddii gacanta booliska ku baxda aan mag la waydiin.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk