Maamuka Jaamacada Timacade Oo U Diiday Hoolka Jaamacada Ardayda Fasalka Afaraad Ee Dugsiga Sare Ee Qalax

0

Maamuka Jaamacada Timacade Oo U Diiday Hoolka Jaamacada Ardayda Fasalka Afaraad Ee Dugsiga Sare Ee Qalax ,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Gabiley(AN) Macalin Abdi Ali Xirsi Oo Kamid Ah Barayaasha Dugsiga Sare Ee Qalax Ayaa Ka Warbixiyay Inuu Diidmo Qayaxan kala Kulmay Qaar Kamid ah Masuuliyiinta Jaamacada Timacade Oo ay ka Dalbadeen In ay Hoolka Jaamacada Kusoo Bandhigaan Wargays Lixbiloodle ah oo ay Soo Saaran Ardayda Fasalka Afraad Ee Dugsigaasi Qalax Sanad walba Macalinkan Ayaa Intaasi Ku Daray in Masuuliyiinta Jaamacada Ee Uu La Kulmay ay U Sheegeen in iskuulku iska Bixiyo Kirada Hoolka Oo Dhan $400 Afar Boqol Oo Dolar Taasi Oo Macalinku U Arkay in Jaamacadu ay Ardayda Diidan Tahay , Ardayda ayaa Doorbidaysa in Munaasibadaasi Loogu Qabto Hoolka Jaamacada Maadaama ay Sanadkan Ugu Danbayso Iskuulkkii ay Ku Jireen iyo Sidokale Markii Ugu Danbaysay ee Ay Wargayskani Soo Saaran lodkaasi Markay Ardaydani Jaamacada yimaadaan Anaguna Waxaan is lahayn Fursadbay u Tahay Jaamacada inay soo dhaweeyaan ardaydaasi Sanadka Soo Baxaysa iyo inay Munaasibadan Uga Faa,idaystaan uguna soo bandhigaan koorsooyinka ay u hayaan. si ay u hantaan ardayd tiradoodu badantahay ee kasoo baxda qalax taas oo wax wayn ka tar doonta baahida arday la’aanta ah ee jaamacada haysata.

Si Kastaba Ha Ahaate Waxa Layaab ah In Ay Maamulka Jaamacada Timacade Yidhaahdan waxanu kiraynaynaa Hoolka Jaamacada Timacade Ee magaalada Gabiley iyodoo ay Baahiwayn ay Jaamacadu U qabto In Ardayda Kasoo Baxda Dugsiyada Sare Ee Gobolka ay Soo Galaan Jaamacadan Timacade Ee Gobolka Gabiley si ay Ardaydu iyagoo Jooga Magaaladoodi ay Jaamacad Ku Dhex Helaan Waxana hore ay Ardaydu Ugu Tagi Jireen Magaaloyin kale si ay U Helaan Waxbarasho Jaamacaded Arintan Oo Noqon Karta Mid Niyad Jabisa Ardayda Sanadka Kasoo Baxaysa Dugsiga Sare Ee Qalax Oo Aad U Tiro Badan islamarkaasina ay Jaamacadani Ubaahantahay In ay soo Galaan

 

Arabsiyonews.net.com Office Gabiley Somaliland