Xisbiga Wadano oo munaasibad usameeyey Tageeraal kasoo digarogtay Kulmiye Degmada Arabsiyo

0

Arabsiyo(AN)Xaflad Siheer Sare loosoo agaasimay oo Maanta ka qabsoomtaay Huteel Dalxiis oo kuyaala Magaalada Arabsiyo,Xafladan oo loo qabtay Taageerayaashii ugu badnaa ee Kasoo diga rogtay xisbilxaakimka Kulmiye ee Magaalada arabsiyo.

Ayaa wax kasoo qaybgalay Masuuliyiinta ugu Saraysa Xisbiga wadani kuwaasoo kala ah.Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga Axmad muumin Seed,Xoghayaha Guud ee Xisbiga,xoghayaha Xidhiidhka Gobolada ee xisbiga wadani,

Xoghayaha Ciyaaraha ee xisbiga wadani ,Mj Aadan ruush,iyo Axmad xaji C/laahi Xamarje.

Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Dagmada Arabsiyo Guuleed Maxamed Cabdi oo ku dheeraaday Sida ay Arabsiyo oo uu kulmiye uu ka helay Cod 14000 oo cod ay ugu hungawday ee aan waxba loogu qaban,balan qaadayna inuu wadani ugu hiilin doono codkooda,

waxa kaloo uu sheegay isagoo ka hadlaya Maamulka Dawlada Hoose ee Arabsiyo oo ku tilmaamay Mid Caadaystay waxqabad la’aan iyo in ayna Arabsiyi noqonayn Sidan uu kulmiye udayacay hadii uu wadani Siiyaan Codkooda,waxa kaloo halkaa ka hadlay Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga Wadani C/laahi Axmad oo sheegay inay aad usoo dhawaynayaan Taageerayeeshan aadka ubadan ee kasoo diga rogtay Xisbiga Kulmiye Sheegayna in ay ayaan daro tahay Magaaladii arabsiyo ee Hargaysa looga Soo doonayay biyaha oo hadaa ka biyo qaalisan Hargaysa,

tilmaamayna inaanay dib udhacayn in ay arabsiyo Sidaa uqaalisanaanayn ee uu wadani Arabsiyo ugu abaalgudi doonaan inay labada gacmood kumaydhaan,waxa kaloo hadalka iska daba maray Xoghayaha Guud ee xisbiga wadani oo aad usoo dhaweeyay dadwaynihii reer arabsiyood Uguna baaqay 26 juun inay udiyaar garoobaan Codbixintii Madaxtooyada iyo inay ucodeeyaan Siyaasiga ruug cadaaga ah C/raxmaan Maxamed C/laahi

Guntii iyo Gabagabadii waxa soo afmeeray Gudoomiye ku Xigeena Xisbiga wadani Axmed Muuumin Seed oo tilmaamay inay aad ugu mahad naqayaan Aqoonyahankan iyo dhalin yaradan aad ka iskusoo abaabulay ee kasoo diga rogtay Xisbiga Kulmiye,una iftiimiyay inay usiman yihiin iyaga iyo kuwii hore uga tirsanaa Xisbiga Wadani una Siman yihiin Wixii afkaara iyo talo kastoo meeshu leedahay,intaadabadeedna waxa xadhiga laga jaray Xafiiskii uu Xisbigu ku lahaanayay Arabsiyo

 

j

wadani arabsiyo

xaflad

3 tageer wad

 

Arabsiyonews.com

Muuse Xuseen Xasan

063-4434980

Arabsiyo/office

Arabsiyo/Somaliland