Borame (An) Warar kasoo baxaya xarunta Jabhada Suldaan Wabar APLF ee xuduuda Itoobiya ayaa sheegaya in wafti uu hogaaminayo Suldaan Wabar u baxayaan Magaalada Addisababa Ee Xarunta Itoobiya .
Waftiga Suldan Wabar ayaa la sheegayaa in ay Addisababa kula kulmi doonaan xildhibaano iyo Masuuliyiin kasocda dawlada Federaalka Somaliya oo muqdisho kasoo kicitimay.
Socdaalkani ayaa la hubin sobobta ka dambaysa iyo Ajandaha laga wada hadli doono,lamana oga in uu salka ku hayo burburkii wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ee burburay.
Siyaasiyiin Boramansews la hadashay oo xidhiidh dhaw la leh jabhada kacdoonka Awdal ayaa sheegay in xidhiidhkani hore u bilaabmay balse imika la gaadhay sidii iskaashi loo yeelan lahaa,isla markaana dawlada Somaliya u caawin lahayd dhaqdhaqaaqa Suldaan Wabar.
Xidhiidh Boramanews la samaysay jabhada Suldaan Wabar ayaa waxaa noo suurtagalin in ay jawaab rasmiya ka bixiyaan wararka sheegaya in Suldan Wabar waftigaasi caasumaad uag wadaan dawlada Somaliya isla markaana u ambabaxayo Caasimada Muqdisho oo kulamo la yeelanayo Madaxda dawlada Somaliya.Wixii war kasoo kordha wararkayaga dambe ayaa idiinku soo gudbin doonaa.
Arabsiyonews.net office
Xigasho> Boramansews.com








