
Xoogaga Islaamiga ah ee Al Fajar ee dalka Liibiya ayaa gacanta ku dhigay labo xarun oo laga soo saaro batroolka dalka Liibiya.
Xarumaha al-Bahi iyo al-Mabruk oo ku yaal bartamaha dalka Liibiya ayey la wareegeen ciidamada maamulka isbaheysiga Al Fajar, maamulkaasi oo horey ulla soo wareegay caasimada Tripoli.
Ciidamada taabacsan dowlada Liibiya ee beesha Caalamka ictiraafka ka heysata oo fadhigeedu yahay magaalada Tabruk ayaa lagu khasbay inay goobihii ay horey u fadhiyeen dib uga baxaan, kadib markii ay rasaasta ka dhamaatay.
Duulaanka Al Fajar ayaa kusoo beegamaya maalin kadib markii maamulka Tabruk ay Madaxa ciidamada si rasmi ah ugu magacaabeen Jeneraal Khalifa Haftar oo horey dagaal xoogan kula jiray isbaheysiga iyo ururada Islaamiga ah ee ka dilaacay dalkaasi Liibiya.








