
Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netenyahu ayaa Salaasadii shalay khudbad kasoo jeediyey aqalka Baarlamaanka Maraykanka.
Booqashada Netanyahu oo ah mid xiisad dhalisay, ayaa timid kadib markii mucaaridka Maraykanka (Xisbiga Jamhuuriga) uu ku casumay hogaamiyaha Isra’iil inuu yimaado dalkooda, arrintan oo uu si weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Barack Obama.
Arrintaasi ayaa keentay in 50 xildhibaan oo kamid ah xisbiga Dimuquraadiga ee Madaxweyne Obama aysan kasoo qeyb gelin fadhigii Baarlamaanka.
Xildhibaanadaasi oo shir jaraa’iid qabtay ayaa ku tilmaamay Netanyahu hogaamiye doonaya inuu cabsi geliyo Maraykanka, isla markaana carqaladeeyo wadahadalka u socda dowlada Maraykanka iyo dalka Iran.
Netanyahu ayaa khudbadiisa ku weeraray dowlada Iran oo uu ku tilmaamay cadowga Maraykanka, wuxuuna sheegay in dowladaasi ay dooneyso inay mar uun gacanteeda ku dhigto hubka Nukliyeerka, isagoo intaasi raaciyey in Iran ay qorshaheedu yahay inay burburiso maamulka Isra’iil, sidaa daraadeedna Maraykanka looga baahan yahay inay ka hortagaan khatarta Iran.

Madaxweyne Barack Obama oo isaguna dhankiisa wareysi siiyey saxaafadda ayaa khudbada Netanyahu ku tilmaamay mid aan wax badan soo kordhin isla markaana Netanyahu uusan heyn wax xal ah.








