Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Cadhooday Go’aankii Somaliland Ka Qaadatey Ergadii Reer Muqdisho Ee Wadahadalladii Turkiga

0

71

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo sheegta inuu Madaxweyne u yahay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu sheegay inaanay burburkaasi wakhti badan qaadan doonin, balse uu wakhtigu dhinaca Somaliland ku socdo.

Prof: Galeydh oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da  ayaa sheegay inaanay Somaliland xaq u lahayn inay xulato dadka ay Soomaaliya u soo dirsanayso wada-hadallada “Shirkii waa lagu kala kacay, waana burbur aan filayo inaanu sii jiraynin, labada dhinac-ba waa la isku baahan yahay. Somaliland iyadaa u baahan Soomaaliya, haddii uu dib u dhac yimaaddana iyagaa wakhtigu ku socdaa, waxaanan qabaa inay khasab ku noqonayso inay kulanka ku soo laabtaan….” Ayuu yidhi Sigaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayey Shirka istaanbuul ee lagu kala kacay.

Prof: Cali Khaliif Galaydh waxa kale oo uu ka hadlay diidmada ay Guddidii wada-hadalladu kaga baxeen fadhigii loo balansannaa inuu furmo “In Somaliland tidhaahdo dadka shirka ka qayb-galaya innagaa xulanayna oo nalama faro-gelin karo oo dadka dawladdu soo dirsatayna tallo ayaan ka bixinayaa oo haddii sida aan jecelahay aan wax loo wadinna Shirkaan ka baxaynaa Garri Allay taqaannaaye mid iyaga dhaqaysa maaha. Soomaaliya hakad waa ku dhici karraa, laakiin qaddiyadan mid halkaa ku hakanaysa ilama aha waa la isugu soo noqonayaa wada-hadalkuna sidaa ku burburi maayo, waayo waa wax muddo soo socday” Ayuu mar kale ku tiraabay Mr Cali Khaliif Galaydh.