Wasiirka Maaliyada, ee dalka Ethiopia, Sufian Ahmed, ayaa la shaaciyay in uu ka mid yahay Seddex Wasiir Maaliyadeed Oo Afrikaan ah oo ka mid ah Siddeed musharax oo u tartamaya doorshada loo galyo Madaxweynaha Banigaga Horumarinta Afrika, African Development Bank (AfDB).
Saddexda Wasiir Maaliyadeed ee Afrikaanka ah ee u taagan musharaxnimada tartanka doorashadan ayaa kala ah Wasiirka Maaliyada ee Ethiopia, Sufian Ahmed, Wasiirka Maaliyada ee dalka Chad, Kordje Bedoumra, Wasiira Maaliyada ee Cape Verde, Mr Cristina Duarte. Halka Shanta musharax ee kale, ay kala yihiin Wasiirka beeraha Beeraha ee dalka Nigeria, Akinwumi Adesina, Ku xigeenkii hore ee Madaxweynaha Bangiga horumarinta.Islaamka u qaabilsanaa hawl-galka, oo u dhashay dalka Mali, Mr Jaloul Ayed, Wasiirkii hore ee Maaliyada ee dalka Tunisia, Mr Thomas Sakala, ku xigeenkii hore ee Madaxweynaha Bangiga horumarinta Afrika, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Sierra Leone, Samura Kamara.
Madaxweynaha Bangiga Horomarinta Afrika, ee hada xilka haya, oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyada ee dalka Rwanda, Mr. Kaberuka, ayaa muddo xilleedkii shanta sanno ahaa ee hogaaminta Bangigu, ay ka dhamaanayso, ayaa lagu wadaa in guddiga sare ee boodhka Bangigu (African Development Bank’s Board of Governors), ay doortaan Madaxweynaha cusub ee badalaya 28-ka, bisha May, shirkooda sannadlaha ah ee ka dhacaya xarunta Bangiga oo ah caasimada dalka Ivory-coast, ee Abidjan.