Dadweyne gadoodsan ayaa shalay Mudaharaad ka dhigay magaaladda Lawyacado, halkaas oo ay Taayiro ku gubeen iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kaga soo horjeedaan Xadka xidhan ee ay wadaagaan Jabuutin iyo Somaliland.
Dadweynahan oo aad u kacsanaa ayey Ciidamada Booliisku u adeegsadeen rasaas kadib markii uu xoogaystay Mudaharaadka ay dhigayeen, hase yeeshee wax khasaare ah lagama soo sheegin Mudaharaadkaasi oo markii dambe ciidamadu kala kexeeyeen dadkii dhigayey.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u sheegay inaanu xadku xidhnayn balse la adkeeyey Amaanka, halka Madaxa Somaliland hadalo kala duwan ay kaga jawaabeen xadhiga Xadka, hase yeeshee mudaharaadka ay dadweynuhu isugu soo baxeen ayaa caddeeyey in xadku xidhan yahay.
Afar cisho ka hor ayaa la sheegay inay Jabuuti soo daysay dad ku xanibnaa xadkooda, hase yeeshee markii ay soo talaabeen waxa dib u celiyey ciidanka Somaliland sida ay saxaafadda guduhu sheegtay, waxaanay wararku sheegayaan xadku in uu wali sidaas ku xidhan yahay.
Xukuumadda dhexe iyo Maamulka gobolka Selel ayaan ilaa hadda aan ka hadal, dhowr jeer oo aanu xalay la xidhiidhnayna nooma suurto-galin inaanu helo.