Al-shabaab oo Toogatay Nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole Dawlada Somaliya

0

Xarakada Al-shabaab ayaa ku toogatay faraage ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay, nin ay ku eedeeyeen inuu sixiroole ahaa, kaasoo la sheegay inay qabteen ciidamada amniga Al-shabaab.Dadweyne fara badan ayaa ka qaybgalay toogashada oo dhacday shalay oo Jimco ahayd gellinkii dambe, waxaana ninkan magaciisa lagu sheegay, Macallin C/qaadir Sh. Aadan toogtay dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab.

Garsooraha maxkamada Al-shabaab ee xukunka ridday ayaa sheegay inay maxkamaddu go’aansatay inay xukun dil ah ku riddo macallin C/qaadir, kaddib markii lagu helay inuu yahay sixiroole.

Shacabka ku nool degmada Diinsoor ayaa lagu wargeliyay inay kasoo qeyb-galaan dilkan toogashada ah, iyadoo dadweyne badan ay isugu yimaadeen goobta uu dilku ka dhacay.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya waxay ka fuliyaan xukuno kala duwan oo dil toogasho ah