Muqdisho Laba Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Lala Beegsaday Gaadhi Ay Wateen

0

gaari-qaraxa-150x150

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley oo ka tirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan lala beegsaday gaadhi kuwa raaxda ah.
Labada ruux ee geeriyooday ayaa la sheegay inay wateen gaadhiga uu qaraxu haleelay, sida ay dad goobjoogayaal ah oo goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa u sheegeen Warbahinta Muqdisho.

Qaraxa ayaa markii uu dhacay ayaa la sheegay in gaadhiga uu dab xoog leh qabsaday iyadoo labadii ruux ee dhallinyarada ahaa ee saarnaana ay gudaha gaadhiga ku gubtee “Waxaan u maleynaynaa in qaraxa uu ahaa mid gaadhiga ku xidhnaa, daqiiqado ka hor waxaa goobtan maray gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, wax ka dhacayna ma jirin,” ayuu yidhi ruux ku sugnaa halka uu qaraxani ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan ayaa imaanaya xilli doraad madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo ayna jirin cid loo soo qabtay duqeyntaas oo ay sheegatay Al-shabaab