Wararka Kuwait Oo Maanta U Dabaal-degaysa Qarannimadeeda & Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Qadimay By Berbera - February 25, 2015 0 FacebookTwitterPinterestWhatsApp Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo dadka Kuwait oo maanta u dabaal-degaya maalinta Qaranimadooda oo sanad kasta la xuso 25-ka bisha 2-aad. Madaxwaynaha ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in Somaliland iyo Kuwait uu ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah, sidaa daraadeedna uu hambalyadan u dirayo Amiirka dalkaasi, Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. Dhambaalka Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland, Naasir Yuusuf Daahir ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dawlada Kuwait oo u dabaal degi doonta (25/02/2015), sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed. Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah. Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn”.