Dawladda Kenya Oo Darbi Dheer Ka Dhisaysa Xuduudkeeda Ay La Wadaagto Dalka Soomaaliya

0

Xadka_Somalia_iyo_Kenya-150x150

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay darbi dheer ka dhisi doonto soohdinta ay la wadaagto Somalia oo lagu qiyaaso dhererkeedu inuu ka badan yahay 600 oo KM.

Guddoomiyaha degmada Lamu ee ka tirsan Gobalka Xeebta Kenya Ciisa  Timamy, ayaa soo dhaweeyay Derbigaas ay sheegtay Kenya iney Xuduuda ka dhiseyso. Wuxuuna ku tilmaamay fikradaas iney tahay mid wanaagsan oo xal lagu gaadhi karo.

Isagoo la hadlaayay dadweynaha ku dhaqan degmadiisa, ayuu sheegay in Dowladda Kenya ay Derbi ka dhisi doonto Xuduuda u dhaxeyso Kenya iyo Somalia; gaar ahaan soohdinta degmadiisa Laamu ay la wadaagto Somalia si kor loogu qaado ammaanka.

Ciisa Timamy ayaa sidoo kale sheegay in Derbigaas uu ka caawin doonto Kenya, sidii ay oga hortagi laheyd dadka sida Sharci-darrada ah oga soo tilaabaayo xuduudaas, ee ka imaanaayo dhanka wadanka Somalia “Waxaa la I siiyay warbixin ku saabsan in qorshaha lagu dhisaayo Derbiga uu u billaaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaana aan ka fileynaa in uu dhamaan doono mash-ruucaan ka hor dhamaadka sanadka”, ayuu  Timamy u sheegay dadweynaha xilli uu ku sugnaa degmada uu Guddoomiyaha ka yahay.

Lamu iyo deegaanada ku hareerseysan ee ka tirsan gobalka xeebta Kenya ayaa waxay ka mid yihiin meelaha inta badan ay ka dhacaawan weerarada dowlada Kenya ay ku eedeyso iney fuliso Kooxda Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto.

Arrintaan, ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Kenya ay ciidamo ka tirsan Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM kaga sugan yihiin Somalia.

Sidoo kalana ay horay u sheegtay iney sii adkeyn doonto Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya oo markii horaba xidhnaa.