Maraykanka Oo 24 Sanno Kadib Somalia U Magaacay Safiir Cusub

0

2e289c83c2002c9ff0e98ebbf524c3ac_L

Washington(AN)Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Brack Obama, ayaa Dalka Somalia u magacaabay safiirkii u horeeyey tan iyo sanadkii 1991 kii. Katherine S. Dhanani oo ah haweenay diblomaasiyada maraykanka ka soo shaqaynaysay tan iyo 1990-kii ayaa loo magacaabay Safiirka Cusub ee dalka Somalia u joogaysa Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Magacaabistan taariikhi tahay islamarkaana muujinayso xidhiidhka qotoda dheer ee Maraykanka iyo Somalia.waxaa sidoo kale lagu sheegay in Magacaabista Haweeynaydani Maraykanka u saamaxayso inuu qaybtiisa ka qaato qorshaha Somalia lagaga saarayo xaaladdaha dagaal ee tobanaan sanno soo jiitamayay looguna gudbin lahaa Nabad galyo, Dimuqraadiyad iyo dal barwaaqo ah.Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay taageerista Xukumadda Somalia.

Haweenayda loo Magacaabay Safiirka Somalia ayaa ka soo shaqaysay safaaradaha Maraykanku uu ku leeyahay magaalooyinka Georgetown, Guyana, Brazzaville, Republic of Congo, Mexico City, Kinshasa, Democratic Republic of Congo, Lusaka,Zambia iyo Libreville,Gabon, iyadoo sidoo kale safiir ku xigeen ka soo noqotay safaarada maraykanka ee Magaalada Harare.

Xarunta Safiiraddan ayaa noqonaysa Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ka hogaaminayso hawl galka Maraykanka ee Somalia islamarkaana la rajaynayo in dib loo furo Xaruntii Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, balse hadda xaalado amaan darro ayaa Nairobi looga dhigay.