Xili uu socday dhoolatus milatari oo ay sameynayeen ciidanka dalka Ukrain si ay u soo muujiyaan gaadiidka dagaalka ee ay u isticmaalayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ah ayaa guuldarro iyo niyadjab ku soo gabagaboobay ka dib markii uu askari ka dhacay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka.
Dhacdadani oo ka dhacday meel dibadda ka ah magaalada Debaltseve oo dhowaan ay mucaaradka Ruushku taageero ay kala wareegeen ciidanka Ukrain ayey ciidanka Ukrain doonayeen in ay ku soo bandhigaan awoodooda milatari xili wali uu dagaal ka socdo bariga dalkaasi.
Wariyayaasha ayaa la safay wadada goob ay gaadiidka dagaalku xawli ku socdeen, ka dib in yar markii gaadiidku ay bilaabeen in ay dhaqaaqaan mid ka mid ah askartii saarneyd gaadhi dagaal oo ah nooca taangiga ah ayaa dhulka madaxa ka soo jaray ka dib markii taangigu uu si xawli ah u weecday taas oo keentay in askarigani uu koomo galo.
Marka loo eego xeerarka u yaalla ciidanka dalka Ukrain waa mamnuuc in dad la saaro gaadiidka dagaalka xiliga jiilaalka ee barafku dhacayo waliba gaar ahaan marka gaadiidku ay galayaan safar dheer, laakiin in badan oo ka mid ah dadka isticmaala warbaahinta bulshada ayaa arintan markii ay maqleen tilmaamay in askarigani uu arintan ka lahaa ujeeddo kaliya taas oo ah si tigidh loo jaro oo uu dib ugu noqdo goobtii uu ka yimi si uu uga baxo goobta dagaalka oo baqdin badan leh.