Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shacabka ka codsaday inay gacan kasiiyaan baaritaan lagu wado cidii qoday god qorsoodi ah oo laga qoday meel aan ka fogeyn xarunta lagu qaban doono ciyaaraha xagaaga soo socda.
Godkan oo la sheegay in hab casri ah loo qoday ayaa laga helay meel aan ka fogeyn xarunta Rexall Center goobtaasi oo xagaaga soo socda lagu qaban doono ciyaaraha caalamiga ah ee Tenniska.










