
Raysal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee wasaarada Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Waxaa sidoo kale ka qayb galay xil wareejinta wasiirku xigeenka iyo wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta, Xubno ka socday xafiisyada Hanti dhowrka, Xeer ilaalinta iyo Xafiiska Raysal wasaaraha.
Wasiirku xigeenkii hore ee wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulaahi Colaad Rooble oo ahaa ku simaha wasiirkii wasaarada Mustaf Sh Cali Dhuxulow ayaa ka hadlay wax qabadka wasaarada mudda ay joogeen, Isagoo tilmaamay guulaha ay gaareen, Sidoo kalana xusay duraafo kala duwan oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha wasaarada.
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Maareeye ayaa kala wareegay xilka wasiirku xigeenkii hore oo wakiil ka ah Mustaf Dhuxulow, Wuxuuna si kooban u sheegay wasiirka warfaafinta in shaqada wasaarada ay ka sii socon doonto Isagoo tilmaamay in wax laga qaban doono baahiayaha shaqaalaha dowladda.
Raysal wasaaraha dowladda federaalka Cumar Cabdirashiid oo hogaaminayey guddiga xilal kala wareejinta ayaa bogaadiyey wax qabadka wasaarada ay soo bandhigeen shaqaalaha wasaarada iyo wasiirku xigeenkii hore, wuxuuna uga mahadceliyey dadaalka ay ku soo bixiyeen wuxuu sheegay in ahmiyad gooni ah la siin doono shaqaalaha wasaarada oo uu xusay in ay tahay wasaarada door muhiim ah ka qaadan karta Soomaaliya in hiigsigeeda gaarto 2016.










