Indonesia Oo Dil Ku Xukuntay Dambiilayaal Ajaanib Ah

0

150224071915_australia_indonesia_640x360_afp_nocredit

Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, ayaa sheegay in 11 qof oo lagu xukumay dil, maalmaha soo socda la toogan doono, in kasta oo uu jiro cadaadis caalami ah oo ka dhan ah daldalaadaasi.
Mr Widodo ayaa sheegay in aanay jirin cid soo faragalin karta xaqa uu dalkiisu u leeyahay in uu fuliyo xukun dil ah.

Kow iyo tobonkaasi qof ayaa waxaa ka mid ah muwaadhiniin u dhalatay dalalka Australia, Brazil iyo France, waxaana intooda badan lagu helay dembi ah in ay darooga ka ganacsanayeen.

Maxkamad ku taalla Indonesia ayaa diiday racfaan ay xukunka dilka ah ka qaateen, laba muwaadhin oo Australia u dhalatay