Madaxa guddiga dhexdhexaadinta ee wadahadalada Madaxda Sudan Seyoum Mesfin ayaa ka codsaday labada dhinac in ay soo gabagabeeyaan arrimaha ku saabsan sida awooda loo qeyb sanaayo dowladda kumeel gaadhka ah ee la dhisi doono ka hor 9 ka bisha June.
Haddii la ansixiyo heshiiska, Madaxweyne Kiir, ayaa sii ahaan doono madaxa dowladda halka Dr Machar uu la wareegi doono xilka madaxweyne ku xigeen koobaad.
Balse labada hoggaamiye ayaan wali isku waafaqin awoodda uu yeelan doono madaxweyne ku xigeenka ee maamulka cusub ee lasoo dhisi doono.
Sidoo kalana waxa ay wadaagi doonaan fursadaha xilalka xukuumada.
Midowga yurub iyo dowladda Shiinaha ayaa labaduba ka digay dib u dhac ku yimaada wadahadalka oo sii xumayn kara xaaladdaha adag ee ka taaagan Koonfurta Sudan.
Ergaga midowga yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay midowga Afrika in ay soo saaraan warbixinta gudiga dabagalka ee loo saaray in uu baadhitaan ku sameeyo dambiyadii foosha xumaa ee la galay xiligii rabshaduhu socdeen.
In ka badan hal milyan iyo badh oo dad shacab ah ayaa laga barakiciyay guryahooda tan iyo markii dagaaladu ka bilowdeen South Sudan bishii December ee sandkii 2014kii.