Faransiiska Oo Baasabooradii Ka Qaaday Dad Looga Shakiyey Inay Ku Biirayaan Daacish

0

150203124457_france_304x171_afp_nocredit

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa markii ugu horaysay ka qaaday baasabooradii lix qof oo lagu eedaynayo inay qorshaynayeen inay ubaxaaan Suuriya si ay ugu biiraan kooxda khilaafada islaamka.

Bixitaan kooda ayaa la aaminsanaa inay dhacayso. Talaabadan ayaa ka mid ah sharci cusub oo looga hortagayo argagixisada oo soo baxay November.

Ra’iisalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls, ayaa sheegay inay suurtogal tahay in dad kale laga qaado baasabooradooda