Booliska Sucuudiga Oo Xidhay Rag Ka Jaasay Xaflad Dhalasho

0

unnamed15-150x150

Booliska anshaxa ee dalka Sucuudiga ayaa xidhay koox rag ah kuwaas oo lagu helay iyaga oo ku jira xaalad aan dalkaasi laga jecleyn oo ah in ay sameynayeen qoob ka ciyaar, laakiin iyaga u gaar ah kaas oo ay ugu dabaaldagayeen xaflad dhalasho.

Ragan ayaa la helay ka dib markii ciidanka booliska dalka Sucuudiga gaar ahaan kuwa anshaxa qaabilsan ay weerar ku qaadeen guri ku yaala gobolka Qaasim sida ay warisay wakaaladda wararka ee AP, waxaana la sheegay in warka dhacdadani uu durbadiiba ku baahay barta internetka ee Twitter.

In badan oo ka mid ah bulshada dalka Sucuudiga oo ka hadlaya dhacdadan ayaa canbaareeyey talaabada booliska maadaama ragan aan la qaban iyaga oo khamri cabaya ama xaflad la dhiganaya dumar taasi oo aan xadgudub ku ahayn fikirka Wahaabiyada ee dalkaasi lagum maamulo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in ragan la qabtay iyaga oo sameynaya jaaz dhaqameedka dalka Sucuudiga iyaga oo adeegsanaya seefo lagu ciyaaro.

Weli dalka Sucuudiga waxaa mamnuuc ka ah xuska xafladaha dhalashada dadka oo khalad ku ah dadka aaminsan diinta Islaamka, weliba ma cadda inta qof ee lagu xidhay hawlgalkan ciidanka Booliska ee Sucuudigu ay qaadeen.