Garowe(AN)Maxkamadda Magaalada Garoowe, ayaa waxaa Khamiistii la horkeenay saddex nin oo si dhow loola xidhiidhiyay Ururka mayalka adag ee Al Shabaab,isla-markaana ku eedeysan inay dilal ka geysteen deegaanada Puntland.
Saddexdaasi nin oo lagu kala magacaabo Cawil Cali Faarax, C/fataax C/laahi Yuusuf iyo C/raxmaan Cismaan Yuusuf, ayaa waxay Maxkamaddu ku eedeysay inay afar qof ku dileen Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
4-ta nin ee lagu dilay Waqooyiga Galkacyo, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Nabadoon Aadan Faarax Dheere, Cabdi Maxamed Aadan, Cali Faarax iyo Liibaan C/laahi.
Xukunka Maxkamadda, ayaa u dhacay sidatan:
Cawil Cali Faarax, dil toogasho
C/fataax C/laahi Yuusuf, dil toogasho
C/raxmaan Cismaan Yuusuf, xabsi daa’in.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Garowe C/laahi Xirsi Cilmi, ayaa sheegay in saddexdaasi nin xukunada lagu riday, ay muddo 30 cisho ah kaga qaadan karaan racfaan.









