Hargeysa(AN) Agaasimaha Fulinta ee dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey saamaynta uu ku yeeshay Dalladda murankii dhex-maray guddomiyaha hadda Mr. Siyaad iyo sidoo kale musharaxii laga helay doorashada Mr. C/Casiis Warsame.
Agaasimaha ayaa sheegay in waqti xaadirkan la joogo uu dhamaaday khilaafkaasi balse haddana ay jiraan ururo dawliya iyo ashkhaas uu ku tilmaamay inay wali sii hurinayaan khilaafkaas isla markaana geed dheer iyo mid gaaban ba ay u fuulayaan duminta iyo baa’biinta dalladan hano-qaaadday ee doorka muhiimka ah ugu jirta dhalinyarada Somaliland.
“Marka hore waxaanu u mahadnaqaynaa dhaman dhalinyarada Somaliland, Dawladda Somaliland gaar ahaan wasiirka Ciyaaraha, Hay’addaha Deeqda bixiya gaar ahaan kuwa wada shaqaynta dhaw la leh SONYO iyo dhamaan cid kasta oo gacan ka gaysatay inay SONYO heerkan soo gaadho.
Sidaad la wada socoteen, waxa dhawaan khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah ururadda dallada kadib markii doorashadii golaha sare ee 7aad ee qabsoontay 27-28th Dec 2014, ee uu ku guulaystay guddoomiyaha xilka haya ee Mr. Siyaad Cali, kadib markii musharaxii la tartameyey ee laga guulaystay Mr. Cabdicasiis uu abuuray kacdoon iyo fawdo ka dhan ah dallada SONYO. Waa Ilaahay mahadii mar haddii maanta khilaafki dhamaaday. dhamaan ururada dalladuna ay gacmaha is wada haystaan min Borame ilaa Badhan.
Waxaanu si gaara ugu mahadnaqaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xallinta khilaafkaas oo ugu horeeyo gudddomiyihii hore ee dallada Mubarik Ismaaciil Taani iyo sido kale Wasiirka Ciyaaraha Mudane Siciid Cali Raygal. Intaas kadib, waxaanu halkan maanta idiin ku ogaysiin rabnaa hay’ado dawli ah oo runtii dagaal laxaad leh la galay dallada SONYO isla markaana aan qarsanin cadaawada ay u hayaan dalladan hanoqaadday. Ururadani waa kuwo lacag badan ku bixiyey sidii uu kuso bixi lahaa musharaxii laga adkaaday ee C/Casiis Warsame, yadoo taasi jirto markii laga adkaaday musharaxay wateen may joojin dagaalkii dhaqalaha ahaa ee waa kuwa ka taageeray kana taageera ilaa hada inuu sii wado dagaalka ka dhan ka ah SONYO. Haddaba cid kasta oo ku hawlan arrimahaasi waa kuwo ku suntan qabyaalad iyo qof nacayb.
Waxaana ugu horreeya.
1. GAVO- (Farxaan Adam Haybe )
2. Candlelight
3. Nagaad
4. NAFIS NETWORK
6. ADO
7. Y-PEER
Sido kale waxaa iyana aanu la soconaa dhaqdhaqaaqa iyo dhaqaalaha ay ugu hiilinayaan musharaxii laga guulaystay dadyaw caan ah oo isugu jira masuuliyin ganacsato ah iyo qaar dawladdaba ku jira.
Haddaba, waxaanu la socodsiinaynaa shacbi waynaha Somaliland in hay’adahan iyo ashkhaasta aanu soo sheegi doono magacoodu ay yihiin kuwa curyaaminaya isla markaana sifo qabyaaladeed kula soo safanaya C/casiis Warsame oo isagu diiddan in laga badiyey isla markaana emailo been abuur ah u diray hay’adaha la shaqeeya dallada” ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta SONYO.









