Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka Oo Lagu Arkay Xeebaha Ingiriiska Iyo Jawaabta Britain Ka Bixisay

0

A-Predator-drone-spyplane-007-1-150x150

Diyaaradaha dagaalka ee Britain ayaa si hal haleel ah ku kacay kadib markii labo diyaaradaha wax duqeeya ah oo Russia leeahay lagu arkay meel wax yar u jirta xeebta Cornwall ee koonfur galbeed England.
Wasaaradda difaaca ee London ayaa sheegtay in diyaaradaha ay ku wehliyeen kuwa Russia, ilaa iyo inta ay ka baxayeen hawada Britain.

 Dhacdadan ayaa timid kadib markii wasiirka difaaca, Micheal Fallon, uu ka digay khatarta muuqata ee madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ku yahay sadexda dal ee la isku yirdhahdo Baltic-ga oo kala ah Estonia, Latvia iyo Lithuania.

Dalalkaasi oo Nato ka tirsan ayaa wax la sheegayaa in hadalka Fallon uu muujinaya walaaca sii kordhaya ee dalalka Nato ee ku saabsan ujeedada Russia kaddib xiisadda bariga Ukraine