Qatar iyo Masar oo isku khilaafay duqeynta ISIS ee Liibiya

0

Qatar-Masar2015
Dowlada Qatar ayaa dib ulla soo noqotay Safiirkii u fadhiyey wadanka Masar kadib markii xiisad ay ka dhex dhalatay labada dal oo isku khilaafay duqeyntii Masar la beegsatay dalka Liibiya.

Safiirkii Qatar u fadhiyey dalka Masar ayaa looga yeeray Doxa kadib markii ay dowlada Masar ku eedaysay Qatar inay taageerayso kooxda ISIS.

Xiisada ayaa ka dhalatay kulan ka dhacay magaalada Qaahira oo ay isugu yimaadeen Safiirada Jaamacada Carabta kaasi oo looga hadlayey xaalada Liibiya iyo duqeymihii Masar la beegsatay xarumaha ISIS ee kuyaal wadankaasi.

Qoraalkii kasoo baxay kulanka Safiirada Jaamacada Carabta ayaa qodob kamid ah lagu daray in dalalka Carabta ay taageersan yihiin duqeymaha Masar la beegsatay Liibiya.

Qatar ayaa diiday inay saxiixdo qoraalkaasi shirka laga soosaaray waxayna sheegtay in hal dal oo kamid ah Jaamacada Carabta (Masar) kaligood go’aansan Karin inay qaadaan tilaabo military oo ka dhan ah wadan xubin ka ah Jaamacada Carabta (Liibiya).

Dooda Qatar ayaa si weyn uga careysiisay wafuudii dowlada Masar oo ku eedeeyey Qatar inay taageero siinayaan kooxda Argagaxisada ah ee ISIS, arrintaasi oo markii danbe keentay in Qatar ay dib ulla soo noqoto safiirkii ka joogay Qaahira.

Maaha markii ugu horeysay oo uu khilaaf soo dhexgalo labadan dal oo horey xiisad weyn uga dhex aloosantay kadib markii militariga Masar uu xukunka ka tuuray Madaxweynihii la doortay Maxamed Morsi oo ay dowlada Qatar taageeri jirtay. Xiriirka labada dal ayaa bilihii lasoo dhaafay soo hagaagayey.

Dowlada Masar ayaa todobaadkan bilowday duqeymo ay la beegsaneyso qeybo kamid ah dalka Liibiya oo ay xarumo ku leeyihiin kooxda ISIS, kadib markii ay kooxdaasi dalka Liibiya ku dishay 21 masiixiyiin u dhashay dalka Masar