Ukraine ayaa sheegeysa in badi ciidamadeeda ay kala soo baxday magaalada muhiimka bariga ee Debaltseve taasi oo weerar joogto ah ku hayeen falaagada Ruushku taageero iyadoo heshiiska xabadjoojinta uu jiro.
Sawiro telefishinka laga soo saaray ayaa muujiyaya tiro taangiyada Ukraine iyo askar daalan ah oo ka baxaya magaalada ku taal meesha isku xidha tareenada iyo gobalada ay falaagadu haystaan ee Donetsk iyo Luhansk.
Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa ku tilmaamay ka bixidda ciidamada sida la qorsheeyay ee la diyaariyay.
Markii ay ciidamadu soo baxeen ayuu askari Ukraine ah u sheegay BBC-da in isgaadhsiinta ay ka go’aday, ugu dambaynna ay go’aankooda qaateen isagoo sheegay inay dagaalka wadi kari waayeen kaddib markii rasaasta ay ka dhamaatay