Diyaarad duqeysay tuulo u dhexeysa xadka dalalka Nigeria iyo Niger ayaa dishay in ka badan 30 ruux.
Warar militari ayaa sheegay inaa la garaneyn cidda diyaaradda laheyd balse loo maleynayo dadka waxyeeladu gaadhay, oo may ama janaaso isugu yimid, in lagu qalday inay ahaayeen xagjiriinta Boko Haram.
Hore ayey Militeriga Nigeria u sheegeen in ciidamadooda ay dileen in ka badan 300 oo xagjiriinta ah markii dib loo qabsanayay magaalada bariga ee Monguno.
Dalalka Nigeria, Chad iyo Cameroon oo ku bahoobay weerarka gobalka ayaa sheegasho isku mid ah sameeyay balse wariyaha BBC-da ee Nigeria ayaa sheegay inaysan suurgal aheyn in lawada xaqiijiyo.









