“Maayarrada Laascaanood Iyo Berbera Waxa Noogu Dambaysay Maalintay UCID Ka Soo Baxeen, Waayo” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0

waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan afduub lagu hayo xildhibaanadii golaha deegaanka ee kasoo baxay xisbigiisa, waxaanu si gaar ah carrabka ugu dhuftay maayirada Berbera iyo Laascaanood kuwaasoo uu sheegay in maalintii la soo doortay ay ugu dambaysay.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxay ahayd in xisbiga talada deegaanka helaa uu isagu wado annaguna ma wadno oo sidii aanu u soo saarnay dib u maanu arag, waxaanu leenahay Maayirka Laascaanood iyo Maayirka Berbera waxay ahayd inaan annagu Ucid ahaan wadno (Talada Magaalada) oo aanu tusno sida aanu magaaladii u hagaajinay si aanu doorashada barlaamaanka ugu tartano waxqabadkaas, maalintii Maayirka la soo magacaabayay iyo maanta oo la soo doorto wax u dhexeeya ma jiro, waxaana noogu dambaysa (Maayirka) maalinta la doorto”. Faysal Cali Waraabe waxa uu hadalkan ka sheegay dalka Finland oo uu safar ku joogo.