Hadafkaagu ha noqdo mid aan fududayn balse la gaadhi karo: Hadafkaagu ha noqdo mid la gaadhi karo si aanad ugu malayn inaad khiyaamayso naftaada, sidoo kale yaanu noqon mid aad u adag si aanad ugu guuldaraysan inaad gaadho. Hadafkaagu waa inuu noqdaa mid tartan leh si uu kuu dhiirigaliyo, isla mar ahaantaana aanu noqon mid aan suurto gal ahayn si aanad u niyad jabin.
Hadafkaagu ha noqdo mid waqti ku xaddaysan: Si aad hadaf u dajiso waa inaad u yeeshaa waqti xadaysan. Sababtoo ah adiga laftaada ayuu cimrigaagu xadaysan yahay, lagama yaabo inaad noolaato boqolaal sano, noloshuna aad bay u gaabantahay, haddii aanad u samayn waqti hadafyadaadana waxaa dhici karta inaad noqoto qof aan dhiiranayn oo aan samayn wax isbadal ah.
Hadafyada waqtiga dheer: Waxa la ogaaday in dadka dajiya hadafyadooda waqtiga dheer ay guul ka gaadhaan hadafyadooda xagga dadka dajiya hadafyada waqtiga gaabani ay ku dhamaystaan wareer niyad jab iyo murugo.
Dajinta hadafkaaga iyo maamulida waqtigaaga
Badanaa marka laga hadlayo dajinta hadafkaaga arinta kale ee soo raacaysaa waa inaad barato sida loo maamulo waqtigaaga. Inaad barato sida saxda ah ee loo maamulo waqtigaagu waxay kaa caawin doontaa inaad awood u yeelato inaad waqtigaaga u maamusho sida ugu fiican tana waxay kugu hogaamin doontaa inaad u gaadho hadafkaaga si dhakhso ah.