HORU-FADHI Ciidamada Qaranka Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Khaatumo, Mayd Iyo Dhaawacyo Ay Qaateen & Wararkii U Dambeeyay

0

4083

Deegaanka Horu Fashi ee fadhiisinka ku leh deegaanka Horu-fadhi ee gobolka Buuhoodle ayaa dagaal muddo kooban socday la galay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda nabad-diidka ah ee la baxday khaatumo, kuwaasi oo weerar gaadmo ah ku qaadey Ciidamada.

Dagaalkan oo bilaabmay wax yar ka hor salaaddii Duhur ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaad tiro yar oo watay dhowr gaadhi oo tikniko ahi weerar gaadmo ku soo qaadeen fadhiisinka ciidamada Qaranka ee Horu-fadhi, laakiin Ciidamada oo isha ku hayey dhaqdhaqaaqooda ayaa u adeegsaday awood ka badan tooda, taasi oo keentay inay halkaasi baxsadaan isla-markaana dib ugu noqdaan halkii ay ka soo duuleen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Qaranka, ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in Maleeshiyaadku halkaasi ka qaateen maydka hal qof iyo laba dhaawac ah oo dhirbaaxada ciidamada Qaranku ku dhacday, halka ciidamada Qarankana ay ka dhaawacmeen laba askari oo uu la dhacay gaadhi gaadhi gurmad ahaa oo ay wateen.

Laakiin warbaahinta ku hadasha kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday ayaa shalay ilaa xalay baahinayey warar borobagaando ah, kuwaasi oo ay ku sheegayaan in khasaare la gaadhsiiyey Ciidamada Qaranka ee Somaliland.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee kooxdaasi ciidamada Qaranka ku soo qaadaan toddobaadkan gudihiisa.