Kadib markii koox sheegatey in ay ka tirsan yihiin Ururka ISIS/ISIL ay gawrac ugu jiideen 21 qof gudaha dalka Liibiya, dadka la gawracay ayaa u dhashey dalka Masar isla markaasna aaminsanaa diinta Masiixiyada, Â waxaana dilkaasi caro badan ka kiciyey dalka Masar.
Madaxweynaha dalka Masar Gen. Cabdifataax al-Sisi ayaa sheegey in ay ciqaabi doonaan kuwii ka danbeeyey ficilkaas wuxuushnimada ah.
Maalintii shalay ee Axadda ayaa koox sheegatey in ay yihin ISIS waxay Video ku soo bandhigeen 21 maxbuus oo Masaari ah meel ku dhaw magaalada Sirta ee dalka Libiya kadibna mid mid ayey u gawraceen, tan oo ahayd mid si weyn looga argagaxay, Kooxda dadka gawracdey ayaa sheegtey in ay u aargudeen gabdho Muslimiin ah oo Masixiiyiinta Masaaridu isla dalkooda ku dileen.
Weerarka Masar ku hanjabtey
Madaxweynaha dalka Masar al-Sisi ayaa isugu yeerey sarakiisha u sareeya dalka Masar, waxaana ay ka wada tashadeen qaabkii ay uga aargudan lahaayeen kuwa dadkooda gawracey.
Cabdifataax al-Sisi madaxweynaha dalka Masar ayaa telefishanka qaranka ee dalka Masar ka sheegey in dalkiisu ka jawaabi doono ficilka denbiilayaasha, isla amrkaana isticmaali doono waddo kasta oo suurta gal ah.
Magaalada Sirta ee uu ku dhashey Caqiidkii hore ee Libya Qaddafi ayaa waxaa muddooyinkii danbe sal dhigtey koox sheeganaysa in ay taabacsan yihiin kuwa isugu yeera Dowladda islaamka ee ISIL, kuwaas oo haysta dhul ka mid ah Siiriya iyo Ciraaq








