
Lampedusa(AN)Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Sheegay in hawl galo ay ka sameeyeen Badda u dhexaysa Yurub iyo Waqooyiga Africa ay ku badbaadiyeen 2,100 Muhaajiriin ah oo ku sii jeeda Qaaradda Yurub.
Maurizio Lupi, Wasiirka gaadiidka Talyaaniga, ayaa sheegay in Badbaadiyeyaasha Muhaajiriintu la kulmeen Niman hubaysan oo tahriibinayay dadka la badbaadiyay kuwaasi oo u hanjabay Ilaalada Talyaaniga ee dadka samato bixinaysay islamarkaana ku khasbay inay dib ugu celiyaan Doon nooca dheereeya ah oo laga dejiyay tahriibayaal islamarkaana raggaasi oo afar qof ka koobnaa doonta kaxaysteen.
Tahriibeyaasha La badbaadiyay ayaa ku safrayay 12 Doonyood oo aan tayo lahayn, waxaana tan iyo sanadkii 2014-ka soo gaadhay Talyaaniga inka badan 150,000 Muhaajiriin ah, halka 3,500 ku dhinteen Badda iyagoo ku safraya doomo liita kuna sii jeeda Talyaaniga.
Dhimashada Tahriibeyaasha ayaa kor u kacday kadib markii uu dhamaaday Hawl galka Yurub Xeebaha Talyaaniga ka fulin jirtay,kuna badbaadin jirtay Tahriibiyaasha, kaasi oo bishii lagu bixin jiray 10 Milyan oo Dollar








