Maxkamad Talyaani Ah Oo 30 Sano Oo Xabsi Ah Ku Xukuntay Nin Somali Ah Oo Dambiyo Waaweyn Lagu Helay

0

Somali_lagu_Xukumay_TalyaanigaMaxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa Jimcihii waxay ku xukuntay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo, Maxamuud Cilmi Muxuyadiin xabsi gaadhaya 30-sano.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in Muxyadiin oo 34-jir ah lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin inuu mas’uul ka ahaa tahriibin dad ku dhintay doon ku dagtay meel ku dhow xeebta jasiiradda Lambadusa ee dalka Talyaaniga bishii Oktoobar sannadkii 2013 oo ay ku dhinteen 366-qof iyo xadgudubyo kufsi ah oo uu u geystay muhaajiriin dhowr ah.
Sidoo kale, garsooraha maxkamaddan oo ku taalla magaalada Agrigente ee gobolka Sicily ee Koonfurta Talyaaniga in muxyadiin lagu helay dhammaan eedeymihii lagu soo eedeeyay oo ay ka mid ahaayeen; kufsi, tahriibin iyo in uu ka dambeeyay dhimashada dad badan oo muhaajiriin ah.

Qaar ka mid dadkii goobjoogga u ahaa falalka lagu eedeeyay muwaadinkaan Soomaaliyeed oo ay ku jireen gabdho ayaa sheegay in Muxyadiin uu Liibiya kasoo tahriibiyay dad badan oo ku dhintay doomihii ay doonayeen in dalka Talyaaniga ay kusoo gaadhaan.

Gabdhaha ayaa sidoo kale sheegay in wiilkan uu ka mid ahaa koox ay ugu yeedheen budhcad Somali iyo ajnabi ahaa oo ku sugnaa dalka Liibiya, kuwaasoo si khasab ah ku kufsan jiray haweenka tahriib-doonka ah.

Dambiyad lagu eedeeyay ruuxan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in dadka uu u geystay ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn oo kasoo jeeda dalal kale oo kala duwan.

“Markhaatiyaashu waxay noo sheegeen in Muxyadiin uu xiddhiidh la lahaa qaar ka mid ah kooxo Liibiyaan ah oo dadka tahriib-doonka ah xidhan jiray si ay uga helaan lacago badan, iyagoo ka qaadan jiray lacago kumannaan doollar ah,” ayuu garsooruhu hadal uu ka jeediyay maxkamadda ka hor intii aanu dhicin xukunka.

Ugu dambeyn, muxyadiin ayaa la sheegay inuu dhawaan gaadhay dalka Talyaaniga, iyadoo la xusuusto in boqolaal ruux oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen doonni dhowr casho ka hor ku dagtay xeebaha dalka Tayaaniga, kuwaasoo dhammaantood ahaa muhaajiriin Afrikaan ah.