SIYAASIYIIN ISKU BEEL AH OO KU HIRDAMAYA SIDII AY ATOORAYAAL UGA NOQON LAHAAYEEN MADAXWEYNE SIILAANYO AGTIISA

0

Hargeysa(AN)Waxa mudooyinkii u danbeeyey soo baxayey xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Dr Xaglo-toosiye oo dhinac ah iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta C/risaaq Khaliif Axmed oo dhinac ah, kuwaas oo isku hirdinaya awooda iyo saamaynta xukuumadda Siilaanyo.

Siyaasiyiin Isku Beel Ah Oo Ku Hirdamaya Sidii Ay Atoorayaal Uga Noqon Lahaayeen Madaxweyne SIILAANYO Agtiisa

Sida ay Haatuf u xaqiiyeen xubno labada dhinacba xidhiidh dhaw la leh oo ay isku deegaan yihiin siyaasiyiintaasi guddoomiye ku xigeenka wakiiladda iyo wasiirka hawlaha guud ayaa iyagu dabbino siyaasadeed u qoolayey mudooyinkii u danbeeyey wasiir Xaglo-toosiye, kuwaas oo u muuqda kuwo ka xun awooda siyaasadeed ee uu mudada kooban ku yeeshay guud ahaan dalka Somaliland, isla markaana ay u arkeen shaqsi khatar ku ah awoodii ay labadaas masuul doonayeen inay ku yeeshaan xukuumadda.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya saddexdan masuul ee isku beesha ah ayaa dibada usoo baxay ka dib markii ay dhawaan ka qaybgaleen munaasibad ka dhacday magaaladda Buuhoodle, kuwaas ay kasoo cadhoodeen Baashe iyo C/risaaq, iyadoo uu arrintaasi ka hor-yimid wasiir Xaglo-toosiye oo isagu baaqi ku ahaa xafladaasi isla markaana sheegay inay sumcada Somaliland ku jirto in isagoo matalaya xukuumadda talada haysa inuu ka hadlo halkaasi.

la soco wixii kasoo kordha Dagaalka siyaasadeed ee ka dhextaagan saddexdaasi siyaasi ee isku beesha ah