Magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee dalka ingiriiska ayaa lagu qabtay kulan balaaran oo soo dhoweyn iyo maamuus ah oo lagu soo dhoweynayey Boqor Burhan Boqor Muuse oo todobaadkii ugu dambeeyey ku sugnaa carriga dalka Britain.
Jaaliyada Soomalida ee reer Birmigham ayaa si weyn isugu soo duba riday xaflada oo ay kasoo qayb galeen dadweyne faro bada oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee reer Birmingham.
Salaadiinta dhaqanka, hogaamiyaasha jaaliyada Soomalida, haween iyo suugaan yahano ayaa ka hadlay goobta xaflada Boqorka lagu soo dhoweynayey, iyagoo si gacal-tooyo leh u soo dhoweeyey Boqor Burhan iyo wafdgiisa oo ka koobnaa 11 qof oo ay kamid ahaayeen duqeyda dhaqanka Soomaliyeed ee reer UK.
Gudoomiye Xasan Cadde oo furitaankii xaflada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey dhaqanka iyo hidaha Soomalida, isagoo xoojiyey in bulshooyinka caalamka ay xadaarad ku gaareen nidaam u gaar ah oo ku salaysan ixtiraam dhaqanm iyo ilaallin hiddo iyo dhaqan, wuxuuna ku booriyey Boqor Burhan inuu sii ballaariyo gogosha iyo nabadeynta uu ku baaqay Boqorka.
Waxaa Xusid Mudan in Haweenka Soomaaliyeed ee reer Birmingham ay Boqor Burhan guddoon siiyeen hadiyad qaali ah oo ah SEEF ay qaataan ama lagu xurmeeyo boqortooyooyinka.
Boqor Burhan Boqor Muuse oo ah Boqorkii 34-aad ee beelaha daarood ayaa lagu soo dhoweeyey cod-baahiyaha isagoo Soomalida u duceeyey, Allena uga baryey inuu ka dul-qaado collaada iyo qabyaalada.
Boqorka ayaa balan qaaday in marnaba aysan laabneyn gogosha uu fidiyey oo ay tahay mid Soomalida oo dhan u fidsan, uuna rajeynayo in wax wanaagsan oo walaalnimo ah ay kasoo baxaan.
Boqorka ayaa si kal iyo laab ah ugu duceeyey dadweynaha reer Birmigham, isagoo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo walaalnimo, iyadoo ka fogaanaya wax walba oo dhaawaci kara magacooda, sharafkooda iyo diintooda.
Boqor Burhan ayaa xalay kusoo afmeeray khudbadiisa gabay caan ah oo ku saabsan dal jaceylka iyo waddaniyada, waxaana gabaygaas lahaa EEBE ha u raxmadee Cismaan Yuusuf Keenadiid.









