Xuutiyiinta Yaman Oo La Wareegay Hubkii Iyo Gawaadhidii Taalay Safaaradda Maraykanka Ee Sanca

0

B9nbrzlIAAEuirFWarar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in kooxda shiicada ee la wareegtay gacan ku haynta magaalada Sanca ay gebi ahaanba la wareegeen hubkii iyo gawaadhidii ciidamada Maraykanku ay kaga tageen safaaradooda magaalada Sanca.

Kooxahan oo dhowaan la wareegay xukunka dalka Yaman ka dib markii ay kala direen baarlamaankii iyo xukuumadii dalkaasi ayaa la sheegay in ay u diideen in ciidanka Maraykanka ee ilaalinayey safaaradda in ay hubkooda kala baxaan dalkaasi.

Waxaa la sheegay in ciidanka Maraykanku ay hubka intoodii badneyd ay kaga tageen gudaha safaaradda , halka intii kalena ay u qaybiyeen shaqaalaha gegida diyaaradaha ee Sanca.

Maraykanku wuxuu beeneeyey jiritaanka wax hub ah oo lagaga tagay safaaradda Sanca ugu taalla ,laakiin saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in ay jiraan hub iyo qalab milatari oo shaqeyn waayey kuwaas oo ku hadhay safaaradooda ku taalla Sanca.