Hay’adda u dooda ilaalinta Xorriyadda Saxaafadda iyo Xuquuqda wariyeyaasha ee magaceedu yahay Wariyeyaasha aan xuduuda lahayn(Reporters Without Borders), kana hawl gasha guud ahaan dunida ayaa shaacisay warbixin sanadeedka 2015-ka oo ku salaysan sida Dalalka dunidu ugu kala sareeyaan tixgalinta Xorriyadda Saxaafadda.