25 sano ka hor maalintan oo kale waxaa xabsiga pollsmoor laga sii daayey siyaasigii sida weyn uga soo horjeeday nidaamkii midab kala sooca ee ka jiray dalka South Africa , Nelson Mandela oo ay si weyn u taageersanaayeen dadka madowga ah ee dalkaasi.
Madaxweynihii cadaanka ahaa ee xiligaasi maamulayey dalka South Africa F.W Klerk ayaa amray in la sii daayo Nelson Mandela oo muddo dheer oo cimrigiisa ka mid ah ku jiray xabsi inta badan lagu xidhi jiray maxaabiista siyaasadda loo haysto ee madowga ah.
Waxaa sii deynta Mandela ku farxay dad farabadan oo madow ah waxaana sii deyntiisu ay wax badan ka bedeshay siyaasadda dalka South Afrika taas oo ugu danbeyntii horseeday in madowgu ay xilka u qabtaan dalka South Africa.
Nelson Mandella waxaa lagu xasuustaa cafiskii uu u fidiyey dadka cadaanka ah markii uu madaxweynaha ka noqday dalka South Afrika isaga oo ujeedidiisu ahayd in uu dalka South Afrika ka saaro xaaladii adkeyd ee uu ku jiray.