Hanti dhowrka Dowladda Federaalka Dowladda Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa saxaafada uga waramay baaritaanadii u dambeeyey ee ay sameeyeen oo ay ku jireen xafiisyada Raysal wasaaraha iyo xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka.
Dr Nuur Faarax ayaa sheegay in ay si siman u baareen dhamaan xarumaha dowladda ee ay ku tuhmeen lunsashada hantida dowladda, Isagoo tusaale u soo qaatay sida ay u baareen wasaaradaha in ay u baareen xafiisyada Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Sanadkan 2015 ayuu Hanti dhowrku sheegay in uu yahay sanadkii la dagaalanka Musuq maasuqa iyo ku shaqaynta hanti dowladda sida loogu tala galay, wuxuu balan qaaday in ay talaabo sharciga ah ka qaadayaan xafiisyada iyo shaqsiyaadkii lagu helo hanti dowladda iyagoo lunsada ama ku talo jira.
Hanti dhowrka dowladda federaalka ayaa 25 wasaaradood ku sameeyey baaritaano ku aadan shaqooyinka iyo isticmaalka hantida dalka iyagoo sidoo kale xanimay Akoonada ay ku lahaayen Bangiyada gaarka ahaa, waxayna dhawaan baaritaan ku sameeyeen xafiisyada Madaxda dowladda ugu sareeya.








