Dowladda Federaalka oo sheegtay in maamulada dalka ka qayb qaadan karaan Doorasho xor ah oo dhacda 2016

0

IMG_1456

Siihaya Xilka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayah Xilka Raysal waaare ku xigeenka Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in maamulada dalka ka jira looga baahan yahay in ay dhankooda ka qayb qaataan hirgelinta Doorasha dalka ka dhacda 2016ka.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xili uu magaalada Muqdisho ku soo dhaweenayey wafdiyada Madaxweynayaasha maamulada dalka jira oo u tagey ka qayb galka shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacaya.

Ridwaan ayaa sheegay in maamulada ay doorkooda muujiyaan lana shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya oo xiligan u harsan tahay muddo kooban una baahan in ay hirgeliso barnaamijka hiigsiga Cusub ee 2016 taa oo ay ugu weyn tahay in dalka uu yeesho xisbiyo kana dhacdo dooro shacbi.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay la iskugu yeeray dhamaan maamulada dalka ka jira sida Puntland, Jubbaland iyo Koonfurgalbeed oo uu madaxweyne Xasan Sheekh doonayo in maanta iyo beri kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin ka qayb qaadasha dhismaha xukuumada cusub, dhismaha ciidan mideysan, barnaamijka Hiigsiga Cusub