Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo dhawaan loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

0

20150205_061108

Gen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo dhawaan loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, laakiin weli aan la ansixin ayaa Muqdisho lagu soo dhaweeyey.

Gen. Diini oo horey u ahaan jirey taliyaha ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyery saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo uu hoggaaminaayo taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida gen. Indho Qarshe.

Cabdulqaadir Diiini oo dowladdii hore ee Soomaaliya xilal kala duwan ka soo qabtey, ayaa ahaan jirey taliyihii ciidanka Booliska sida Milteriga u tababaran, waxaana uu mar kale dib siyaasadda uga soo muuqdey, markii uu dalbadey xilka Raysalwasaaraha sanadkii 2010 inkasta oo aan xilkaas loo magaacbin ayaa sanadkii 2011 loo magacaabey taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana uu xilkaas hayey muddo laba sano ah, ciidamada ayaa sheega in uu wax badan ka bedalay dhisamaha ciidanka.

Gen. Diini ayaa muddo ku noolaa gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Waxaa lagu wadaa 9 feberaayo in golaha Wasiirada la horgeeyo Baarlamaanka.