Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Xuska Sanad Guurada 21-aad Ee Ciidanka Qaranka iyo Nuxurka Khudbad Uu U Jeediyay
Hargeysa(AN)January-02-2015-Madaxweynaha Qaran Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Sanad Guurada 21aad ee Ciidanka Qaran Somaliland oo lagu qabtay Kuliyada tababarka saraakiisha ee Dardarweyne.
Madaxweynaha oo markii uu halkaasi gaadhay ugu horayn salaan madaxweyne ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna uga sii gudbay dhinaca kuliyada, isaga oo xadhiga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ugu waa weynaayeen, Furitaanka guri balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyada tababarka dararweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.
sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.Halkan Ka Daawo Vidoe
Arabsiyonews.net Office Gabiley






















