
Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay iska horimaadyo Arbacadii ka dhacay bariga dalka Ukraine oo ay ku dagaalamayaan kooxaha gooni u goosadka doonaya iyo ciidamada xukuumada Kiev.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu xoogiisa ka dhacay magaalada Luhansk iyo nawaaxigeeda waxaana la sheegay in labada dhinac isu adeegsadeen madaafiicda culus, dadka dhintay ayaa u badan dad rayid ah oo ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.
Kooxaha gooni u goosadka bariga Ukriane ayaa dowlada Ukraine ciidamadeeda ku eedeeyey dilka loo geystay dadka rayidka ah iyo duqeynta ku socota magaalooyinka ku yaal bariga dalkaasi.
Tan iyo maalinimadii Sabtidii ayey xiisadaha ka taagnaa bariga Ukraine markale isu rogeen duqeymo xoogleh kadib markii 30 qof ku dhimatay duqeyn ka dhacday magaalada xeebtaleh ee Marioepol halkaasi oo la sheegay inay duqeeyeen kooxaha gooni u goosadka oo taageerada ka helaya Ruushka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku eedeeyey ciidamada Ukraine inay xasuuq ka wadaan bariga dalkaasi, isagoo sheegay in ciidamadaasi aan la oran karin ciidamo Qaran balse ay yihiin calooshood u shaqeystayaal u adeegaya Isbaheysiga NATO oo uu sheegay inay u adeegsanayaan xiisada Ukraine sidii ay awoodooda ugu balaarin lahaayeen dalkaasi horey uga tirsanaan jiray dowladii Sofiyeetka.








