160 kamid ah Mafiyada Talyaaniga oo xabsiga la dhigay

0

Booliiska_Talyaaniga-Hawlgalo-2015
Booliiska dalka Talyaaniga ayaa subaxnimadii Arbacada hawlgalo balaaran ka fuliyey gobalada waqooyiga iyo koonfurta dalkaasi, iyadoo la xir xiray xubno sar sare oo kamid ah kooxda Mafiyada ah ee loo yaqaan n’Drangheta.

Hawlgaladan ayaa intooda badan ka dhacay gobalka koonfureed ee Calabrië, balse waxaa sidoo kale hawlgalo dad lagu xiray ay ka dhaceen magaalooyinka waqooyiga dalkaasi sida, Emilia Romagna, Piemonte (hoos-tagta degmada Turijn), Lombardije ( hoos-tagta degmada Milaan).

Booliiska ayaa xaqiijiyey inay xireen 160 qof oo loo heysto inay xubno ka ahaayeen kooxaha abaabulan ee Mafiyada Talyaaniga, waxaana kamid ah dadka la xiray labo nin oo la dhalatay Nicolino Grande Aracri oo kamid ahaa hogaamiyayaasha Mafiyada Talyaaniga oo ay dowlada horey u xirtay. Waxaana la sheegay labada nin ee la dhashay in mid kamid ah uu ahaa Qareen u dooda eedaysanayaasha.

Sidoo kale dadka la xiray ayaa waxaa ku jiray xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee deegaanka Emilia oo la sheegay inuu kamid yahay Mafiyada.

Dadka la qabtay ayaa lagu soo oogay danbiyo ay kamid yihiin xubinimada koox Mafiya ah, hanjabaad, musuq maasuq, heysasho hub sharci daro ah iyo danbiyo kale oo ay ku jiraan guryo si musuq maasuq ah lagu iibiyey