Waa Sidee Xaaladda Gobolada Bari Ee Dalka Maraykanka Oo Baraf Xoogani Ku Dhuftay

0

F155C876-C498-402B-A62B-764B9AA7B20B_w640_r1_sMalaayiin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha Bari ee dalkan Mareykanka ayaan  aadin shaqooyinkooda iyo iskuuladii, kumanaan duulimaad ayaa la baajiyay, waxaana weli xidhan khadadka tareenada, iyo gaadiidka kale ee dadweynaha.
Magaalooyinka sida New York oo kale waxaa la geliyay xalad deg deg ah .
Dadka ayaa lagu amray inay wadooyinka ka fogaadaan, waxaana arimahaasi oo dhan ugu wacan Baraf dabeylo wata oo ka dayay ilaa shalay gobolka.

Barafkan oo hore loo saadaaliyay inuu noqon doono kii ugu xumaa ee abid gobolka ku dhufta ayaa hadda waxaa muuqata in aanu noqon sidii la saadaalinayay.

Iyagoo maskaxda ku haya qasaarihii ka dhashay duufaantii Sandy, ee ku dhufatay gobolka sanadkii 2012kii ayaa Gudoomiyeyaasha ilaa iyo sideed gobol oo dhaca xeebaha Bari ee Mareykanka ay ku dhawaaqeen xaalado deg deg ah.

Cabsida ay qabeen ayaa aheyd in dabeylo la socoda barafka ay saameeyaan 60 malyuun oo qof oo ku nool ku dhawaad 12 gobol.

Hay’adda Qaran ee  Saadaasha Cimiliada ayaa shalay  oo salaaso  ahayd  hoos u dhigtay saadaal horey looga bixiyay xaddiga barafka soo dhacaya, laakiin weli hey’addu waxey ka digeysaa dabeylo halis gelin kara nolosha dadka gobolka, kuwaa oo ku socda xawaare dhan 112 KM saacadii. Sido kale digniin ku aadan daadad laga yaabo inay ku soo rogmadaan dhulka hooseeya ee ku teedsan xeebaha ayaa dhaqan gashay.

Waxaa cabsi laga qabaa in Korontadu ay ka go’odo magaalooyinka qaar laamaha geedaha ee soo dhacayana ay xiraan wadooyinka