Bilihii ugu damabeeyey waxaa soo badanayay tirada mintidiinta ajaanibta ah ee lagu dilayo waddamada Ciraaq iyo Siiriya. Khubarada wax ka qorta ururka ISIS waxay markii ugu horraysay sheegayaan in laga yaabo in hoggaanka ISIS uu si ula kac ah uu furimaha hore ee dagaalka ugu dirayo maleeshiyada ajaanibta si uu tiradooda u dhimo.