Germany: Banaanbaxyo horleh oo Muslimta looga soo horjeedo

0

pegida-2015-1
Waxaa markale ka dhacay qeybo kamid ah dalka Germany banaanbaxyo looga soo horjeedo muslimiinta kusii fidaya dalkaasi iyo Qaarada Yurub.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyen kooxda xagjirka ah ee [Pegida] ayaa shalay (Axad) gelinkii danbe ka dhacay magaalada Dresden ee dalka Germany.

Mudaharaadkan ayey isugu soo baxeen dad gaaraya 17 kun oo qof, waxaa sidoo kale isla magaaladaasi ka dhacay mudaharaad lidi ku ah banaanbaxa Pegida, kaasi oo ay isugu soo baxeen 5 kun oo qof, booliiska ayaa si weyn isugu dayey inuu kala illaaliyo labada kooxood ee iska soo horjeeda.

Arbacadii lasoo dhaafay ayuu is casilay hogaamiyihii kooxda xagjirka ah ee Pegida, ninkaasi oo lagu magacaabo Lutz Bachmann ayey lasoo gudboonaatay fadeexad kadib markii la shaaciyey sawiro uu interetka dhigay isagoo iska dhigaya Hitler, arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid uu si kaftan ah uga waday balse uu ku muteystay eedayn xoogleh oo uga timid shacabka Germany