
Dagaal socday muddo 12 saac ah oo dhexmaray jamhada Muslimiinta ee Filibiin iyo ciidamada Booliiska, ayey ku dhinteen dad gaaraya 30 qof.
Inta badan dadka ku dhintay dagaalka ayaa u badan askarta ciidamada Booliiska oo Axadii isku dayey inay hawlgal ka sameeyaan tuulo ku taal koonfurta dalkaasi oo ay gacanta ku hayeen xoogaga jamhada MNLF.
Booliiska ayaa la sheegay inay doonayeen inay soo qabtaan nin u dhashay dalka Maleesiya oo ku takhasusay sameynta bambaanooyinka, eedaysanahaasi oo ay dooneysay in loo soo gacan geliyo dowlada Maraykanka.
Hase yeeshee hawlgalkaasi ayaa ku dhamaaday khasaaro kadib markii Jamhada MNLF ee ka dagaalanta koonfurta Filibiin ay dagaal kala hortagtay ciidamada hawlgalka waday.
Iska horimaadka shalay ayaa soo afjaraya heshiis xabad joojin ah oo ay jamhada MNLF iyo dowlada Filibiin kala saxiixdeen sanadkii hore, xabad-joojintaasi oo la doonayey inay socoto muddo 3 sano ah.
Jamhada MNLF oo ah tan ugu weyn ee ka dagaalanta dalka Filibiin ayaa sanadkii hore heshiis xabad joojin ah la gashay dowlada Filibiin, kadib markii xukuumada dalkaasi ay u ogolaatay muslimiinta inay lahaadaan ismaamulkooda u gaarka ah.
Afhayeen u hadlay dowlada Filibiin ayaa sheegay inay maanta oo isniin ah bilaabanayaan waan waan horleh oo lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dagaaladii shalay dalkaasi ka dhacay








