GUDDOOMIYE KU XIGEENKA WADANI OO SALUUGAY MAAMULKA GOBOLKA AWDAL, SOONA DHAWEEYAY SHIR BEELEED DEEGAANKAASI KA SOCDA

0

bbbbbbbbbbbbbbbbbbHargeysa (AN) gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay xaalada amaan ee ay haatan ku sugan tahay xarunta gobolka Awdal ee Boorame.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Boorame ayaa waxa uu  dadweynaha reer Boorame ugu baaqay nabad galyadooda ilaashadaan, isaga oo xukuumadana ku canaantay inay dayacday amaanka gobolkaas iyo maamulkaba waxaanu yidhi “Dhacdooyin cusub ayaa magaalada Boorame ku soo biiray kuwaas oo u baahan in laga hor tago,  waana nasiib daro in gobolka Awdal iyo dagmadiisa Boorame  oo nabada lagu yaqaanay intay rag iska soo galaan  xabad iska ridaan, arinkaasna waanu canbaaraynaynaa aadna waan uga xunahay, arintaasna masuuliyadeeda waxa iska leh  dawlada sababta oo

ah gobolka Awdal maamul ayaan jirin, maamul gobol iyo mid degmana ma jiraan, waxaana kala go’an  gobolkii Awdal maamulka ka jaray iyo xukuumada maanta jirta, waxaanan  u malaynayaa xukuumadu inay taas ogaan u samaynayso, dadweynaha reer Awdalna waxaan leeyahay xukuumadan wakhti kooban ayaa u hadhay doorashooyina way soo socdaan,  waxaanan leeyahay nabad galyadiina ilaashada, xaafad walibana waa inay iska war haysaa oo ay nabad galyadeeda ilaashadaan ilaa inta la helayo xukuumad cadaaliya  oo gobolka Awdal iyo gobolada kale ee dalka sinta nabad galyadooda, ilaa inta la helayo maamul gobol.”

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani  Axmed Muumin Seed waxa uu fariin u diray dadka falalka amniga ka dhan ah ka gaysanaya magaalada Boorame waxaanu yidhi “Dadka wax tuur tuuraya waxaan leeyahay  degmada Boorame waa meel nabad galyo dadkuna waxay ka shaqaysanayaan waxbarashadooda, caafimaadkooda, wax qabadkooda loomana baahna in la tuur tuuro, waxaanan ku canbaaraynayaa xukuumada ilaa imika ka hadli la dhibaatada haysata reer Awdal, iyada oo cabasho ka jirto gobolka oo aanay xukuumadu ka jawaabin  ayuu madaxweynuhu yimid laba daqiiqana wuu hadlay dabadeedna wuu ka noqday, badhasaabkii  gobolka maamulayey ilaa imika madaxweynaha ayuu la socdaa,  cid haba yaraatee gobolkan masuuliyadiisa haysaa ma jirto,cid laga cawdo oo ii muuqatana ma jirto.”

Ugu danbayntiina gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani  waxa uu ka hadlay shirka beelaha gobolka Awdal uga soconaya magaalada Boorame waxanu yidhi “Shirkaasi waxa uu ka mid yahay shirarkii dalka ka dhacay, shirkana kuwaas ayuu la mid yahay, waana shir dhaqan oo beelaha Samaroon kaga tashanayaan  aayahooda iyo mustaqbalkooda, Aniguna dadkii lagu martiqaaday ee ka qayb galay ayaan ka mid ahaa oo waxaanu kaga qayb galnay aqoonyahan ahaa iyo gobol ahaan  wax siyaasad ah oo uu shirkaasi la xidhiidhaa ma jiro, si fiicana wuu u socdaa aniga oo ka rajaynaya inay ka soo baxaan wax somaliland iyo gobolka Awdalba dan u ah.”